Faransiiska Oo Helay Gujis Uu Waayay 50 Sano Ka Hor

France (HCTV) – Dawladda Faransiiska ayaa heshay mid ka mid ah Gujisyadeeda, kaasi oo la waayey muddo ka badan 50 Sanadood ka hor.

Gujista la helay 50 sanadood ka dib, ayaa waxa xilligaa saarnaa Shaqaale gaadhaya 52 Qof, kuwaasi oo iyagana la waayey.

Gujiskan oo Magaciisu yahay La Minerve ayaa laga helay gunta hoose ee badda Mediterranean, gaar ahaan meel ku dhow Dekedda Toulon.

Wasiirka Difaaca ee Dawladda Faransiiska oo ka hadlay Markabka Gujiska ah ee dib loo helay ayaa guul ku tilmaamay “Waa Guul iyo Gargaar..” ayuu yidhi, Wasiir Florence Parly oo Twitter-kiisa qoraal ku baahiyey, waxaanu intaa sii raaciyey “Waxaan ka fikirayey Qoysaska Muddada dheer sugayey Maanta oo kale..”

La Minerve oo dhoolla-tus millateri ku jiray markii la waayey, 17 January 1968-kii.

Baadi-goob dhowr jeer loo galay si loo helo ayaa lagu guul-daraystay, illaa Maanta oo la helay.

Culays ka yimid Qoysaska 52-kii Shaqaalaha ahaa ee la socday Gujiska, Baadi-doon hor leh oo la bilaabay Sannadkan, iyadoo la isticmaalayo Qalabka Tiknooliyadda casriga ah ayaa laga raadiyey Badda Mediterranean,  iyadoo la kaashanayo Xogo hore loo hayey, Shaybaadho la sameeyay iyo Bad-maaxayaal loo diray gunta hoose ee badda, laakiin aakhirkii waxa Markabkan soo helay doon ay leedahay Shirkad gaar loo leeyahay oo Maraykan ah, sida uu Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP  u sheegay Khabiir dhinaca Maraakiibta ah.

Khabiirku wuxuu sheegay in Markabka Gujiska ah laga helay 2,370 Mitir oo Badda Gunteeda ah, 45KM-na ka durugsan Dekedda Toulon oo Saldhig u ah Maraakiibta Faransiiska.

Qoysaskii Bad-maaxayaasha Markabkaa la helay saarnaa 50 Sanadood ka hor, ayaa rejo ka qaba inay jawaabo u helaan su’aalo ay muddo dheer sugayeen in looga jawaabo, kuwaasi oo ay ka mid tahay waxa ku dhacay Dadkoodii.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka