Somaliland: Fadhiyada Aan Caadi Ahayn Oo Laga Mabnuucay Goleyaasha deegaanka

Hargeysa (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Md. Maxamed Kaahin Axmed ayaa Wareegto uu Maanta soo saaray ku Mabnuucay in Goleyaasha deegaannada dalku yeeshaan Fadhiyo aan Caadi ahayn, si loogu ridi Maayarrada iyo ku-xigeennadood.

Wareegtadan oo daba socotay Muran Maalmihii u dambeeyay u dhexeeyay Maayarka Magaalada Gabiley iyo Xildhibaannada Golaha deegaanka ee Gabiley ayaa iyadoo dhamaystiran u qornayd sidan:-

Ujeeddo: Mabnuucid Kalafadhi Aan Caadi Ahayn:-

“Iyadoo lagu jiro sannadkii u dambeeyay xilligii doorashada loo asteeyay oo ah 12/12/2019.

Iyadoo xildhibaannada goleyaasha deegaanka qaarkood ay si khaldan oo fawdo ah u abaabulayaan Mooshin lagu ridayo Maayarrada.

Iyadoo xildhibaannada qaarkood si badheedh Xad-gudub ugu samaynayaan Xeerarka iyo Sharciga dalka, qaab-darrada iyo Xad-gudubka Sharciyeed iyo weliba kicinta Dadweynaha, iyagoo Xildhibaannadu arrimahaa abaabulaya ay Dadweynaha sifo qabiil kicin ugu samaynayaan Dadweynaha kicin, taasina ay iska hor-imaad iyo nabad-galyo xumo dhaawacaysa Nabadgalyada guud ee dalka (keeni karto) iyo nidaamka Dawladnimo.

Haddaba, dhammaan Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo degmooyinka waxa la farayaa inaan la qaban karin Kal-fadhi aan caadi ahayn oo ah Mooshin lagu ridayo Maayarrada iyo ku-xigeennada. Maaddaama oo wakhtigii Doorashadu soo dhow yahay, Dalkuna ku jiro Xaalad heegan ah oo dhinacyo badan leh oo u baahan in la iska kaashado oo wadajirna looga hor-tago Xaaladaha inna soo waajahay ee cadowgu inoo maleegayo.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka