Isreal Oo Dhulka La Sintay Guryo Badan Oo Ay Lahaayeen Falastiiniyiintu

Isreal (HCTV) – Dawladda Isreal ayaa baa’biisay Tiro Guryo ah oo ay lahaayeen Dad Falastiiniyiin ah, Isniinta Maanta.

Isreal ayaa burburinta Guryahan oo ku yaallay Koonfurta Magaalada Jerusalem u cuskatay sabab ah inay si sharci-darro ah uga dhisnaayeen, laakiin Tallaabadan Isreal qaadday ayaa keenaysa wer-wer Caalami ah.

Guryahan oo ku yaallay agagaarka deegaanka Sur Baher oo u dhaxaysa Daanka Galbeed ee la haysto iyo Magaalada Jerusalem, ayaa waxa markiiba waxa Cambaareeyay Falastiiniyiinta.

Laakiin, Isreal ayaa ku andacootay in Tallaabadani dan u tahay Amnigeeda guud.

Ka Hor, ka hor burburinta dhismeyaasha waxay Isreal halkaa geysay boqollaal Ciidammada Millateriga iyo Booliska, waxayna xidheen jidadka halkaa soo gala, sida uu sheegay Weriye ka mid ah AFP.

Dadkii halkaa deganaa iyo Dad u dhaqdhaqaaqa Danaha Falastiiniyiinta ayaa xoog lagaga saaray Guryaha, kuwaasi oo qaarkood dhisme ku socday.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka