Gantaal Suuriya Laga Soo Riday Oo Dad Ku Waxyeeleeyay Gudaha Turkiga

Turkey (HCTV) – Shan Qof ayaa ku dhaawacmay laba Gantaal oo kuwa dhulka ah oo laga soo riday Suuriya, kuwaasi oo midkood ku dhacay Guri ku yaalla Xuduudka Turkigu la wadaago Suuriya.

Falkan oo dhacay Habeennimadii Isniinta oo Xalay ahayd ayaa waxa xaqiijiyey Masuul Maxali ah, sida uu baahiyey Wargeyska The National.

Wasiirka Difaaca ee Turkiga ayaa isaguna Twitter-kiisa ku qoray inay gantaalkaa kaga yimid dhanka Suuriya ka jawaabeen isla-markaana bartilmaameedsadeen illaa 7 meelood oo deegaanada Suuriya ee Xuduudka ku teedsan ah.

Weli ma cadda ah Cidda lahayd Gantaalka ku dhacay dhulka Turkiga ee Xuduudka Suuriya ku dhow iyo Cidda soo tuurtayba.

Shanta Qof ee ku dhaawacmay Gantaalka ayaa la geeyay Cisbitaalka, si loogu daaweeyo, sida uu xaqiijiyey Badhasaabka Sanliurfa oo War Qoraal ah soo saaray.

Tallaabooyinka Amniga kor loogu qaadayo ayaa lagu kordhiyey degmada Ceylanpinar oo ka mid ah Gobolka Sanliurfa, halkaasi oo ah halka Gantaalku ku soo dhacay, waxaana bilaabmay baadhitaan lagu samaynayo.

Jabhadda SDF oo Maraykanku taageero iyo Maleeshiyaadka Kurdishka ah ee YPG ayaa maamula in badan oo ka mid ah Waqooyiga iyo Bariga Suuriya.

Dawladda Turkiga ayaa waxa Urur Argagixiso ugu diwaangashan Jabhadda Kurdishka ah ee YPG.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka