Askari Ka Warramay Siduu U Dhacay Hawl-gal Ay Ku Khaarajiyeen Weriye

Gambia (HCTV) – Askari ka mid ah Ciidammada Gambia ayaa Madaxweynihii hore ee Dalkaasi Yahya Jammeh ku eedeeyay amarka in la dilo Weriye Deyda Hydara oo la khaarajiyey Sannadkii 2004-tii, waxaanu sheegay inuu isaguna qayb ka ahaa dilka Weriyahaasi.

Hydara, wuxuu tifaftitaha iyo aasaasaha Wargeys Madax-bannaan oo Magaciisu ahaa The Point daily, waxaanu sidoo kale u warrami jiray Wakaaladda Wararka ee AFP, isagoo dabcan ka mid ahaa ururka Suxufiyiinta aan Xuduudka lahayn ee Magaciisa loo soo gaabiyo (RSF).

Xilligaa waxa la sheegay inay dileen Rag aan la caddaynin Cidda ay ahaayeen, kuna dhex toogteen gaadhigiisa dhexdiisa, Caasimadda Gambia ee Banjul, bishii December, 2004-kii.

Askariga ku eedeeyay Madaxweynihii hore ee Gambia ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu iyaga ku amray inay dilaan Weriyaha “Rasaas baanu ku furnay, Aniga, Alieu Jen iyo Sana Manjang..” ayuu yidhi, Lieutenant Malick Jatta oo ka hor hadlayey Guddi Xaqiiqo raadineed Isniintii Shalay, waxaanu carrabaabay laba kale oo Millateriga Gambia ka mid ah oo door ku lahaa Dilka Weriye Hydara.

“Taliyahayagu, Captain Tumbul Tamba wuxuu Telefoonka kala xidhiidhayey Madaxweynihii hore Yahya Jammeh, intii uu socday hawl-galku, waxaanu isaga oo Madaxweynaha Telefoonka kala hadlaya uu ku lahaa “Haa Mudane..” ayuu yidhi, Askarigu.

Jatta wuxuu u sheegay komiishanka in Taliyahooda uu markii dambe siiyey Lacag dollar ah oo ku jirta Warqad envelope ah “Waa dhiiri-gelin ka timid nin weyn..” ayuu sheegay in Taliyahoodu ku yidhi, kaasi oo uu isagu ku sheegay inuu ula jeeday Jammeh.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka