Hargeysa: Abwaan Ka Hadlay Kiiska Fanaan La Sheegay In Loo Habjabay

Hargeysa (HCTV) – Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo ka mid ah Suugaanyahannada Somaliland ayaa ka hadlay Warar sheegaya in loo habjabay Fannaanka Maxamed Axmed Bakaal (Cirro) oo ah Guddoomiyaha Kooxda Xidigaha Geeska.

Warar Saddexdii Maalmood ee u dambeeyay ku jiray baraha Bulshada ayaa sheegay in Fanaanka Telefoonka looga soo hanjabay looguna baaqay inuu ka baxo Hargeysa, sidoo kalena Dad aan weli la sheegin Cidda ay ahaayeen ay gurigiisa ku weerarreen.

Falka noocan ayuu Abwaan Weedhsame ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, waxaanu yidhi isagoo arrimahaa ka hadlaya “Fanaanka Maxamed Axmed Bakaal (Cirro) waa Fanaan leh heeso badan oo aan Anigu leeyahay, waa Fannaan aan jecelahay, waana Fannaan nasab ah oo gob ah, markaa Cid Hargeysa ka sheegan kartaa ma jirto, Ninka Hargeysa ka sheegta Cirro isagaan reer Hargeysa ahayn, Ninka Somaliland ka sheegtaana isagaan reer Somaliland ahayn. Maxamed halkan ayuu ku dhashay, ku koray, ku barbaaray, halkaas ayuu ku dhalay oo uu ku dhaqmay, weligiina halkaas ayuu joogayaa.”

Abwaanku wuxuu sheegay in aan Cidna dhibaato gaadhsiin karin Fanaanka “Nin sidaa Xagtin u gaadhsiin karaana ma jiro, laakiin Nin Caqli laawe ah oo ay la noqotay inuu Qof reer Somaliland ah ku yidhaahdo ka bax Somaliland, waxaasina wax aynu dhaqan u leenahay iyo wax dhaqanka Dadka gobta ah meel kaga jira maaha.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey sababta Isaga iyo Dadka kale ee arrintan ka hadlay ay u shaacin la’yihiin Dadka Fanaanku ka cabanayo ee ay u qarinayaan “Waxaanu qarinaynaa ma jiraan, Telefoon baa loogu soo hanjabay, dhacdadiina waa dhacdo dhacday, dhacdadaa daba-galkeedii dawladdaa leh.

Marka qofka Telefoon looga soo hanjabo, sidaan maqlayna Gurigiisa lagu doontay inuu arrintaa ka wer-wero oo uu Warbaahinta geliyo khasab ayay noqonaysaa, haddiise arrintu khatar tahay oo hadhow Cidlo lagu dilo ka warran ?..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka