WADDANI Oo Kali-Talisnimo Ku Tilmaamay Wareegto Ka Soo Soo Baxday Xukuumadda

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa Sharci-darro ku tilmaamay Wareegto uu Shalay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland ku mabnuucay Fadhiyada aan Caadi ahayn ee Goleyaasha deegaannadu yeeshaan.

Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Barkhad Jaamac Xirsi oo Maanta la hadlay Telefiishanka HCTV ayaa Golaha Wakiillada ugu baaqay inay si deg-deg ah ugu yeedhaan Wasiirka Arrimaha gudaha, Md. Maxamed Kaahin Axmed.

Barkhad Jaamac Xirsi oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Wareegtadaasi waxay ahayd Ayaan-darro weyn Sharci ahaan, Laf-jab bay ahayn in Warqad caynkaas ahi ka soo baxdo Wasaaradda Arrimaha gudaha.”

Afhayeenku wuxuu sheegay “Warqaddu laba dhaliilood oo waaweyn bay lahayn, mid waa in inta awoodda Baarlamaanka laga saaro oo aan la tixgelinayn Awooddii Baarlamaanka iyo in Dimuqraadiyaddii Somaliland dunida ka iibinaysay ee qaadhaan-bixiyeyaashu ku majeeran jireen meesha laga saaray, oo amar keli-talisnimo lagu bixinayo oo Sharciga khilaafsan.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Wasiirku halkuu ka keenay awoodda uu ku odhanayo Goleyaasha deegaanku ma dooranayaan Maayarro iyo ku-xigeeno, halkay ka keentay Wasaaradda Arrimuhu ay xeer dhan oo Baarlamaan ay Waraaq ka dirayso.”?

Afhayeenka WADDANI waxa kale oo uu sheegay “Waxa kale oo ay tilmaan u tahay inaan Dalkan doorasho lala rabin.”ayuu yidhi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Md. Maxamed Kaahin Axmed ayaa shalay Wareegto uu soo saaray ku mabnuucay in Goleyaasha deegaannada Dalku yeeshaan Fadhiyo aan Caadi ahayn, ka dib markii khilaaf xoog lihi soo kala dhex galay Maayarka Magaalada Gabiley iyo qaar ka mid Xildhibaannada Goleyaasha deegaanka Gabiley.

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka