Ingiriiska Oo Yeeshay Raysal-wasaare Cusub

London (HCTV) – Boris Johnson ayaa loo doortay hoggaamiyaha xisbiga Conservative-ka ee Ingiriiska Maanta, codbixin ay ka qayb qaateen xubnaha xisbigaasi, waxaana sidoo kale uu noqon doona Raysal-walwasaaraha cusub ee Boqortooyada Ingiriiska.

Mr. Johnson ayaa ka guulaystay Jeremy Hunt oo hadda ah Wasiirka arrimaha dibedda ee Ingiriiska, ka dib markii uu helay 92,153 oo cod halka ninka la loolamayey uu helay 46,656.

Mayor-kii hore ee magaalada London ayaa xafiiska kala wareegay Theresa May maalinimada Arbacada ah.

Theresa May ayaa xilka Raysal-wasaarenimo ee dalka Ingiriiska iska casishay, markii ay ka bixidda UK ee Midowga ku qanci kari wayday Baarlamaanka.

Hadalkii uu jeediyey markii guushiisa lagu dhawaaqay ayaa Mr Johnson wuxuu balanqaaday inuu meel marin doono qorshaha ka bixitaanka UK ee midowga Yurub, dalkana mideyn doono.

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka