Ruushka Oo Ka Hadlay Diyaarad Ay Leeyihiin Oo La Sheegay Inay Gudaha U Gashay Koonfurta Korea

Moscow, (HCTV) – Milatariga dalka Ruushka ayaa sheegay inay aad uga xunyihiin in Wasaarada Difaaca ee dalka Waqooyiga Kuuriya ay ku cambaareeyaan dhibaato farsamo kadib markii ay diyaarad dalka Ruushku ay leeyihiin ay gudaha u gashay dalka Koonfurta Kuuriya sida ay sheegeen saraakiisa dalka Kuuriya.

Maalintii salaasadii ayay ahayd markii dawlada dalka Koonfurta Kuuriya ay ku dhawaaqeen in diyaarad nooca dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Ruushku ay laba jeer ku soo xadgudubtay hawada Waqooyiga Kuuriya.

Hase yeeshee Wasiirka difaaca ee dalka Ruushka ayaa isagu si cadho leh u diiday arintaasi.

Hase yeeshee Aqalka Koonfurta Kuuriya ee Blue House ayaa sheegay in xadgudubkan dalka ruushku aanu ahayn mid ku talagal ah, isla markaana ay sida ugu dhakhsaha badan u baadhayaan kiiskaasi.

“Moscow waxa ay sheegtay hadii diyaaradani ay ku duulaysay marin sii qorshaysnaa, taa macnaheedu waxa weeyi dhacdadani in aanay dhicinba,” sidaasi waxa yidhi Afhayeen dalka Ruushka.

Dhinaca kale Wasaarada Difaaca ee dalka Shiinaha ayaa sheegay in wax diyaarad ah oo ay leeyihiin oo gashay hawada dalna aanay jirin ama aanay ogayn.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.