Shiinaha Oo Digniin U Diray Maraykanka Iyo Isbahaysigiisa Gobolka

Beijing, (HCTV) – Dalka Shiinaha ayaa ku eedeeyey  Maraykanka iyo Isbahaysigiisa gobolku inay khatar amni ku keenayaan Dhul weynaha Shiinaha, waxaanu tilmaamay dalka Shiinuhu in joogitaanka ciidamadooda ay sii xoojiyeen xiligan, waxaanay tilmaameen in Beijing ay sidoo kale ka digayso talaabooyinka ku wajahan madaxbanaanida Taiwan.

Dhawaaqan dalka Shiinaha ka soo baxay maanta oo arbaha ahaa imanaya waxyar uun ka dib markii Wasaarada difaaca ee dalka Shiinuhu ay hoosta ka calaamadisay qorshe ay ku casriyeynayaan ciidamadooda ku sugan halkaasi.

“Tartanka Istaraarijiyadeed ee caalamiga ah ee sii kordhaya, waxay khatar ku tahay xasiloonida aduunka,” ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada gaashaandhiga ee dalka Shiinaha.

Sidoo kale dalka Shiinuhu waxa uu ku eedeeyey Maraykanka inuu wado siyaasado dhinac kaliya ah oo Washington ay ugaga sii darayso xaalada xaalada gobolkaasi, taas oo kordhisay kharashaadka dhinaca difaaca ee dhinacyada nuclear-ka, hawada, iyo gantaalada difaaca ee ay dhigayso gobolkaasi oo ay ku tilmaantay in Maraykanku uu kordhiyey 7.5 boqolkiiba sanadkan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.