Falastiiniyiin Weerartay Nin Sucuudi Ah Oo Booqday Xayndaabka Masaajidka Al-Aqsa

Quddus, (HCTV) – Nin Sucuudi ah oo booqanayey Masaajidka Barakaysan ee Al-Aqsa ee bariga Qudus oo ay xoog ku haystaan Israel ayaa khasab ay kaga saareen Falastiiniyiin cadhaysani.

Muuqaal la duubay ayaa waxa lagu arkayey Maxamed Saud oo xidhan dharka dhaqanka ay u leeyihiin dalalka Gacanka Carabta ee Sucuudigu ka midka yahay oo eryanayaan Falastiiniyiintu gudaha magaalada qadiimiga ah ee Qudus, oo ay ku tuurayaan kuraas caag ah iyo waxyaabo kale, kuna eedaynayaan inay dhiirigaliyaan Sahyuuniyada.

Muuqaalkan ayaa baraha bulshadu ay ku wada xidhiidho dhex xulaya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.