Madaxweynaha Koonfurta Sudan Oo Mamnuucay In Heesta Qaranka Laga Qaado Meel Aanu Joogin

Jubba, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Koonfurta Sudan Salva Kiir ayaa qof kasta ka mamnuucay inuu qaado heesta Qaranka dalkaasi isagoo jooga mooyaane, sida uu Wasiir ka tirsan dawlada Koonfurta sudan uu sheegay Isniintii.

“Warka la siinayo qof kastaa waxa weeyi in heesta amaanta qaranka loola leedo madaxweynaha, iyo in uu goobta joogo Madaxweynuhu, maaha qof kasta,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Michael Makuei oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP, waxaanu intaasi ku daray.

“Waxaynu aragnaa hada xataa Wasiir, Xoghaye hoosaad, Badhasaab, markasta oo ay joogaan meel in la qaadayo heesta Qaranka.”

Wasiiirka Warfaafinta dalka Koonfurta Sudan waxa uu intaasi raaciyey in Amarkaasi uu Madaxweyne Salva Kiir uu meel mariyey intii lagu gudo jiray kulankii Golaha Wasiirada ee maalintii Jimcihii.

Hase yeeshee, Makuei waxa uu sheegay in laga soo reebay Safaaradaha Koonfurta Sudan kuwaas oo matalaya Madaxweynaha, iyo Iskuulada Caruurta, balse qof kale aan loo ogolayn inuu heesta qaado hadii aan Madaxweyne Kiir joogin.

Gabogabadii Wasiirka Warfaafinta dalka Koonfurta Sudan waxa uu yidhi “Kani waa amar, dabcan marka aad amarka u hogaansami waydo amarka Madaxweynaha, adiga ayaa xadka ka gudbay,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu Mr Makuei.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.