Shaqaale 10 Sano La’ Waayey Oo Maydkiisa Laga Helay Goob Laga Dukaamaysto

Iowa, (HCTV) – Hadhaaga maydka mid ka mid ah shaqaalaha goob laga dukaamayso ayaa laga helay qaboojiyaha alaabta lagu kaydiyo oo ka tirsan goob laga tukaamaysto oo supermarket ah, horaantii sanadkan kaas oo la xaqiijiyey Isniintii inuu yahay shaqaalaha Supermarket-kaasi oo la waayey 10 sano ka hor.

Ninka shaqaalaha ah ee maydkiisa la helay ayaa magaciisa lagu sheegay Larry Ely Murillo-Moncada, oo 25 jir ah, kaas oo ka shaqayn jiray No Frills Supermarket oo ku yaala Council Bluffs oo ka tirsan magaalada Iowa ee dalka Maraykanka, kaas oo markii la waayey ay ahayd bishii November. 28, 2009.

Waxaana horaantii maalintaasi ninkan dhalinyarada ah la waayey ayaa waalidkii waxa ay sheegeen inuu walwalsanaa kadib markii uu ka cararay gurigooda, taasina ay keentay inay ku wargaliyaan bileyska maqnaanshihiisa.

Hase yeeshee ciidamada bileyska ayaa hada aaminsan in Murillo-Moncada uu tagay goobta laga dukaamayso ee supermarket ka dib markii uu guriga ka baxay, isagoo fuulay mid ka mid ah qaboojiyayaasha kadibna uu ka soo dhacay isagoo ku dhacay 18-inch oo u dhaxaysa qaboojiyaha iyo gidaarka.

Shaqaale hore ayaa sheegay in meeshaasi qaboojiyaha badanaa ay tahay meesha loo isticmaalo in wax lagu kaydiyo badanaana ay caadi tahay in shaqaaluhu ay halkaasi tagaan.

HORN CABLE TV, 

WAAXDA ONLINE-KA.