Madaxweynaha IRAN Oo Dabacsanaan U Muujiyey UK Oo Ay Maraakiib Kala Haystaan

Tehran (HCTV) – Madaxweynaha IRAN Hassan Rouhani ayaa dabac ka muujiyey Xiisadda u dhaxaysa IRAN iyo boqortooyada Ingiriiska, ka dib markii ay kala qabsadeen Maraakiib Shidaal.

Dawladda Ingiriiska ayaa bil ka hor Markab IRAN leedahay oo Shidaal u siday Suuriya ka qabsatay Xeebta Gibraltar, taasi oo IRAN kaga jawaabtay inay Markab UK leedahay ka qabsato Marin-biyoodka Hormuz, arrintaasi oo cirka ku sii shareertay Xiisadda ka taagan Khaliijka Peria.

Laakiin, Madaxweynaha IRAN ayaa soo bandhigay qorshe Xal loogu heli karo Xiisadda u dhaxaysa, taasi oo ah haddii UK siidayso Markabka shidaal ee IRAN ay Dawladda IRAN siidayn doonto Markabka UK ee ay qabsatay Toddobaadkii hore.

“Haddii Britain ka noqoto Ficilladeedii xumaa ee Gibraltar, waxay IRAN ka heli doonaan Jawaab Habboon..” ayuu yidhi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN, Hassan Rouhani sida ay baahisay Aljazeera.

Markabka Shidaal ee Grace-1 ee IRAN leedahay ayaa Ciidammada Badda ee UK waxay ka qabteen 4-tii bishan July meel ka baxsan Xuduudkooda, gaar ahaan koonfurta Xeebta Spain, ka dib markii looga shakiyey inuu Shidaal u sido Suuriya, waxaana lagu eedeeyay inay IRAN jebisay cunaqabataynta Midowga Yurub ku soo rogay Suuriya.

Laakiin, muddo laba Toddobaad ka dib ah waxa IRAN qabsatay Markab Shidaal oo sita Calanka Ingiriiska, kaasi oo Magaciisu yahay Stena Impero, oo marayey Marinka Hormuz.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka