Feedhyahan Ruush Ahaa Oo U Geeriyooday Dhaawacyo Soo Gaadhay

OXON HILL, MD - JULY 19: Maxim Dadashev receives attention in his corner after his corner threw in the towel following the eleventh round of his junior welterweight IBF World Title Elimination fight against Subriel Matias (not pictured) at The Theater at MGM National Harbor on July 19, 2019 in Oxon Hill, Maryland. (Photo by Scott Taetsch/Getty Images)

USA (HCTV) – Feedhyahan u dhashay Dalka Ruushka oo Magaciisu yahay Maxim Dadashev, ayaa ku Geeriyooday Cisbitaal ku yaalla Dalka Maraykanka.

Feedhyahankan Ruushka ah ayaa Geeriyooday, ka dib Ciyaar feedh-feedh ah oo dhex martay Feedhyahanka kale ee Puerto Rico’s Subriel Matias.

Ciyaarta feedh-feedhka ah ee sababtay Geerida Dadashev ayaa Jimcihii ka dhacday Maryland oo Maraykanka ah.

Ninka dhintay ayaa da’diisu ahayd 28 sano jir, sida ay baahisay CNN.

“Dhammaantayo waanu ka qaracanay dhimashadiisa lama filaanka ah..” ayuu yidhi, Aasaasaha iyo Madaxa Shirkadda Bob Arum oo dhiirigelisa Ciyaaraha Feedh-feedhka oo ka hadlay Geerida Feedhyahanka Ruushka ah “Maxim wuxuu ahaa Nin yar oo awood leh oo Hibo ku leh ciyaaraha feedhka..” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ninkan ayaa u dhintay dhaawacyo culus oo ka soo gaadhay Ciyaarta Feedhka ah oo uu habeennimadii Jimcaha ee la soo dhaafay Puerto Rico’s Subriel Matias kula ciyaaray MGM National Harbor oo ku dhex taalla meesha la yidhaahdo Oxon Hill.

Warku wuxuu intaa ku daray in Ciyaaryahanku uu koomo galay markii Madaxa dhiig kaga furmay, taasina aakhirkii keentay inuu Geeriyoodo.

Feedhyahano iyo Dad kale oo caan aha aka Tacsiyadeeyay Qoyskiisa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka