Suudaan: 16 Sarkaal Oo Loo Xidhay Isku-day Afgambi Dhicisoobay

Khartoum (HCTV) – Millateriga haya xukunka Dalka Suudaan ayaa xidh-xidhay Saraakiil Ciidan, kuwaasi oo lagu xidhiidhiyey isku-day Afgambi oo Dalka Suudaan ka dhacay bishii hore.

Wakaaladda Wararka Dawladda Suudaan ayaa sheegtay in 16 Sarkaal oo qaarkood hawl-gab yihiin loo xidhay inay ku lug lahaayeen Afgambi la doonayey in xukunka lagaga tuuro Guddiga Millateriga Suudaan ee xukunka dalkaasi gacanta ku haya tan iyo markii xilka laga tuuray Madaxweynihii muddada dheer dalkaa soo xukumayey, Cumar Xasan Al-bashiir.

Afgambiga dhicisoobay ee Saraakiisha la xidh-xidhay lagu eedaynayo ayaa dhacay 11-kii bishan July.

Ragga Millateriga Suudaan Magacyadooda xuseen ee lagu eedeeyay Afgambiga dhicisoobay ayaa waxa ka mid ah General Hashim Abdel Muttalib Ahmed iyo Saraakiil sar-sare oo Millateriga ka mid ah, Sirdoonka Qaranka Suudaan, sida uu Shalay sheegay Madaxa Xisbiga SUNA.

Raggan ayaa dhammaantood la xidhay, waxaana ku socda baadhitaano.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka