London (HCTV) – Raysal-wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska Boris Johnson ayaa Xukuumaddiisa shaqo ka siiyey Walaalkiisa ka yar oo Magaciisu yahay Jo Johnson.
Raysal-wasaare Boris Johnson ayaa Golaha Wasiirrada Xukuumaddiisa oo uu Arbacadii Magacaabay, wuxuu ku soo daray Jo Johnson oo u Magacaabay Wasiiru-dawlaha Ganacsiga,Tamarta iyo Warshadaha.
War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha ayaa lagu caddeeyay in Raysal-wasaaruhu uu Walaalkiisa ka yar u Magacaabay Wasiiru-dawladaha Ganacsiga, Tamarta iyo Warshadaha, sida ay baahiyey Reuters oo HCTV soo xigtay.
Dhinaca kale, Raysal-wasaaraha cusub ee UK iyo Golihiisa Wasiirrada ayaa Khamiista Maanta kulmaya.
Jo Johnson ayaa ka mid ah Xisbiga Conservative ee Walaalkiisa Raysal-wasaaraha ahi hoggaamiyo.
Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka