Scotland Oo Doonaysa Inay Ka Go’do UK Iyo Farriinta La Gaadhsiiyey Johnson-ka Cusub

London (HCTV) – Scotland oo qayb ka ah Dalka boqortooyada Ingiriiska ayaa doonaysa inay noqoto Dal gaar ah oo ka madax-banaan Ingiriiska intiisa kale.

Scotland oo ka wer-wersan inuu ka bixitaanka UK ee Yurub ay dhaqaalaheeda waxyeelayso, ayaa doonaysa in Dadweynaha Scotland laga qaado Cod-bixin ay ku kala dooranayaan inay ka sii mid ahaadaan UK iyo inay ka go’aan.

Haweenayda Hoggaamisa Scotland Nicola Sturgeon ayaa u sheegtay Raysal-wasaaraha cusub ee UK . Mr. Boris Johnson inay sii wadayaan diyaarinta Cod-bixin Shacabka Scotland ku kala dooranayaan inay UK ka sii mid ahaanayaan iyo in kale.

“Dowladda Scotland waxay sii wadi doontaa diyaarinta inay dadka Scotland siiso inay doortaan inay noqaan Dal Madax-banaan..” ayay hadalkeeda raacisay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka