Madaxweyne Biixi Oo Rejo Ka Muujiyey Arrinta Kornayl Caarre

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Nabadgalyada Gobolka Sanaag iyo dedaallo lagu doonayo in Xal waarra lagaga gaadho arrimo amni-xumo sababay oo Bilihii u dambeeyay halkaa ka taagnaa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Maanta hadal ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in aanay wer-wer ka qabin arrimaha Gobolka Sanaag, waxaanu sheegay inay nabadgalyo ku dhamaanayso.

“Arrinta Ceerigaabo nabad baa ka jirta, wer-werna kama qabno inay nabad ku dhammaanayso..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay “Maanta halkaas khilaaf ka taagan oo la isku diiddan yahay dawlad, odayaal iyo dhallinyaradeennii cadhootay midna ma jirto.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay “Qodobbo yar yar uun baa la xallinayaa sidii sharciga loo waafajin lahaa, taana ka wer-wer la’aada nabad bay kusoo dhammaanaysaaye, dalkuna waa nabad,” ayuu yidhi, Madaxweyne Muuse Biixi

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka