Madaxweynihii Da’da Weynaa Ee Tunisia Oo Geeriyooday Isagoo 92 Jir Ah

Tunis, (HCTV) – Madaxweynihii dalka Tunisia Beni Caid Essebsi, oo ah Madaxweynihii ugu horeeyey ee Waqooyiga Afrika sida dimuqraadiga ah loo doortay ayaa qeeriyooday isagoo da’diisu ay tahay 92 jir, sida ay xaqiijisay Madaxtooyada dalkaasi.

Madaxweynahan dalka Tunisia ee Geeriyooday ayaa ahaa hogaamiyaha ugu da’da weyn aduunka ee dal hogaamiya, waxaanu ku geeriyooday cusbitaal milatari oo ku yaala caasimada dalkaasi ee Tunis maanta oo khamiis ah.

Waxaanu cusbitaal ugu jiifay dhawr xanuun oo hayey tan iyo bishii June, balse waxa dib loogu soo celiyey cusbitaalka khamiistii maanta, waxaanu wiilkiisa oo la yidhaa Hafedh Caid Essebsi uu wakaalada wararka ee AFP uu u sheegay in xaaladiisu aanay wanaagsanayn oo uu il-daraa.

Waxaa loo magacaabay in uu noqdo Madaxweyne  2011 ka dib markii xukunkii uu hayey mudada dheer  Zine El Abidine Ben Ali talada dalkaasi lagaga tuuray kacdoonkii gugii carabta ee 2011-kii , Essebsi waxaa loo doortey madaxweyne sedex sano kadib, isagoo noqdey dowladii ugu horeysay ee si toos ah loo doorto madaxtinimada kadib kacdoonkii “Carab”.

Inkastoo uu jabiyay heshiis awood-wadaag ah oo taariikhi ah oo dhex maray dhaqdhaqaaqiisa Nidaa Tounes iyo xisbigii Islaamiga Ennahda kaasoo gacan ka gaystay xasilinta dalka, laakiin markii dambe isqabqabsi kadib wuxuu u weecday dhex-dhexaadiye siyaasadeed.

Waxaanu hore ugu dhawaaqay Madaxweynahan Geeriyooday ee dalka Tunisia in aanu u tartami doonin doorashada loo qorsheeyay bisha November inay dalkaasi ka qabsoonto, isagoo sheegay in qof da ‘yar uu dalku u baahan yahay inuu hogaamiyo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.