Wasiirkii Dalxiiska Dalka Zimbabwe Oo Xabsiga La Dhigay

Harare, (HCTV) – Wasiirkii Dalxiiska dalka Zimbabe, Marwo Prisca Mupfumira ayaa xabsiga loo taxaabay si su’aalo ku saabsan musuqmaasuq ay u waydiiyaan guddi dastuuriya oo dhawaan loo magacaabay la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Wargeys ay dawladu leedahay oo la yidhaa The Herald, ayaa ku warmaay in Wasiir Prisca Mupfumira la xidhay maanta oo khamiis ah kadib markii lagu eedeeyey inay musuqmaasuqday Malaayiin dollar oo ahaa lacago loogu talo galay dadka hawlgabka ah markii ay ahayd Wasiirka Daryeelka Arimaha Bulshada.

Haweenaydan la xidhay ayaa noqonaysa Masuulkii ugu horeyey ee ay guddidu qabtaan tan iyo intii Madaxweye Emmerson Mnangagwa uu boodhka ka jafay bishan July 15-keedii.

“Waanu kuu xaqiijin karnaa in Wasiirkii dalxiisku ay wakhti xaadirkan xabsi ku jirto si su’aalo looga waydiiyo hanaanka hawlgalka la dagaalanka musuqmaasuqa oo socda awgeed,” sidaasi waxa yidhi Guddida la dagaalanka Musuqmaasuqa Zimbabwe (ZACC) oo maanta soo saaray War-saxaafadeed ay arintaasi ku faahfaahinayaan.

Hase yeeshee sharciga dalka Zimbabe ayaa dhigaya in qofkii laga shakiyo ee la xidho in maxkamada lagu horkeeno mudo 48 saacadood ah kadib qabashadiisa.

Haweenaydan Wasiirada ah ee Mupfumira ayaa ah xubin sare oo ka tirsan xisbiga dalkaasi xukuma ee ZANU-PF.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.