Ukraine Oo Qabsatay Markab Ruushku Leeyahay

Moscow, (HCTV) – Dalka Ukraine ayaa qabsaday oo xidhay Markab uu leeyahay dalka Ruushku, iyagoo hore ugu eedeeyey dawlada Ruushku inay Ukraine ka qabsatay saddex markab bishii November ee sanadkii hore.

War ka soo baxay maanta oo khamiis ah ciidamada amaanka badda ee dalka Ukraine ayaa sheegay in markab ay ugu yeedheen Nika Spirit oo hore loo odhan jiray Neyma, in ay xaqiijiyeen in la xidhay maalintii shalay kadib markii uu soo galay dekeda Izmail oo ku taala badda Black Sea.

Vladimir Dzhabarov, oo ah xildhibaan Ruush ah ayaa ku tilmaamay qabsashada markabkaasi “talaabo sharci daro ah” oo waxyeelo ku ah xidhiidhka labada dal ee jaarka ah, sida ay ku warantay warbaahinta dalka Ruushka ee RIA.

Ciidamada Amaanka badda ee dalka Ukraine ayaa sheegay in markabkan ay qabteen dalka Ruushku uu u isticmaalo hawlgalada uu ku hor-istaagayo maraakiibta dalka Ukraine e ka gooshta marinka Kerch, oo ah biyo isku xidha Baddaha the Black Sea iyo badda the Sea of Azov.

Intii lagu gudo jiray dhacdo ciidamada ilaalada xeebaha Ruushku ay rasaas ku fureen, kuna qabsadeen maraakiib dalka Ukraine leedahay iyo 24 shaqaale ah oo saarnaaba ay xidheen.

Dhibaatadan labada dal u dhaxaysa ayaa cirka isku sharertay markii khilaaf diblomaasiyadeed uu dhexmaray labada dal, Waxaanu xidhiidhka Ukraine iyo Ruushka u dhexeeyaa uu dhulka galay kadib markii dawlada Moscow ay sanadkii 2014-kii ay weerar ku qaaday gobolka Crimea, taas oo sababtay in labada dal ay aad u kala fogaadaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.