Pakistan Oo Ku Dhawaaqday In Cir-bixiyeenkii U Horeeyey Ay Dirayso

Astronaut in outer space against the backdrop of the planet earth. Elements of this image furnished by NASA.

Islamabad, (HCTV) – Dalka Pakistan ayaa maanta oo bishu ay tahay July 25 ku dhawaaqay inay hawada sare u dirayso cir-bixiyeennkii u horeeyey 2022, waxaanay tilmaameen in ay arintaasi kala kaashanayaan satellite dalka Shiinaha.

Go’aankan dalka Pakistan ayaa yimid kadib markii dalka India uu ku guulaystay 22-kii bishan July inuu hawada sare u diro dayax-gacmeedkii labaad ee dalkaasi diray.

Wasiirka Sayniska iyo Tignoolajiyada dalka Pakistan, Fawad Chaudhry, ayaa sheegay in hanaankii ay ku dooranayeen Cir-bixiyeenkani loogu diri lahaa hawada sare uu bilaabmi doono bisha February 2020.

“Waxaanu ku faraxsanahay in aanu ku dhawaaqno habkii lagu soo xuli lahaa Pakistani-gii ugu horeeyey ee loo diro hawada sare in ay bilaabmi doonto bisha February 2020. Konton qof ayaa isugu soo hadhay. Waxaana tiradaa hoos loogu soo dhigi doonaa 25, marka la gaadho 2022 waxa aanu idiri doonaa qofkii ugu horeeyey ee hawada saro loo dirayo. Tanina waxay noqon doontaa dhacdadii ugu horaysay ee dalku uu ku tagayo..,” sidaasi ayuu yidhi Wasiirka Sayniska iyo Tignoolajiyada dalka Pakistan, Mr Chaudhry oo sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

Waxaanu intaasi ku daray in ciidamada cirka ee dalka Pakistan ay door muhiim ah ay ka ciyaari doonaan hanaanka xulashada cir-bixiyeenkan hawlgalka hawada sare loogu dirayo.

“Dedaaladan lagu doonayo in lagu kala xusho 50 duuliye in la kala xulan doono, waxaana liiska iskugu soo hadhi doona 25, kuwaas oo marka dambe noqon doona toban.

Tobankaa duuliye waxa lagu tababari doonaa sida duuliyahaa loogu diri lahaa hawada sare,” ayuu intaasi raaciyey Wasiirku.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.