150 Qof Oo Laga Cabsi Qabo Inay Ku Dhinteen Doon Kula Dagtay Badda Mediterranean-ka

Tripoli, (HCTV) – Dad tiradooda lagu sheegay ilaa 150 qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen kadib markii doontii siday ay kula dagtay badda Mediterranean-ka ee xeebaha dalka Libya, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR.

Waxaanay intaasi ku dartay hay’adda UNHCR in tiradani ay tahay tii ugu badnayd eek u dhimata badda Mediterrean-ka sanadkan ee ay dooni la dagto.

Ayoub Qassem, oo u hadlay ciidamada badda ee dalka Libyan ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 116 Tahriibayaal ahi la la’yahay, balse ay ciidamada Ilaalada Xeebaha Libya iyo kalluumaysato gudaha ahi ay soo samatabixiyeen dad tiradoodu gaadhayso 132 rescued by Libyan coastguards and local fishmermen.

Ku dhawaad 300 qof ayaa ka socdaalay dalka Libya saacadihii u dambeeyey, sida ay u sheegeen Wakaalada Wararka ee Reuters qaar ka mid ah dadkii la soo samatabixiyey. Mana cada ilaa iyo hada in hal markab iyo in laba markab ay ka qaybqaateen samatabixintaasi Tahriibayaasha.

Mar sii horaysay ayaa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxoontigu ay sheegtay in laga cabsi qabo in dad tiradoodu gaadhayso 150 ay ku dhinteen doon dagtay, halka tiro intaa lee goo kalena la soo samatabixiyey.

Dalka Libya ayaa ah meesha ugu weyn ee Muhaajiriinta Afriga ee ka haajiraya saboolnimada iyo dagaaladu ay isku dayaan inay uga talaabaan dhinaca dalalka Midawga Yurub, halkaas oo dhaqaale farabadan ay ku bixiyaan ciidamada ilaalada xeebaha dalka Libya sidii ay u yarayn lahaayeen tirada ka gudbaysa badda Mediterranean-ka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.