Britain Oo Markab Dagaal U Dirtay Hormuz Si Ay Uga Hortagto Qabsashada Maraakiibta

London, (HCTV) – Markab dagaal oo ciidamada dalka Ingiriisku ay leeyihiin ayaa gaadhay marin biyoodka xiisadu ka taagan tahay Hormuz si uu u ilaaliyo maraakiibta ku gooshta calanka Britain, waxaanu talaabadani ay timid xili dawlada Ingiriisku ay ku dhawaaqay inay cirka isku shareertay xiisadii ka taagnayd gacanka.

Markabkan dagaalka ee dalka Britain ayay shaqadiisu noqon doontaa inuu ilaaliyo oo uu dhinacsocdo maraakiibta maraya Marin biyoodkaasi si uu u ilaaliyo.

“Markabka Milatariga Ciidamada Ingiriiska shaqadiisu waxa ay noqon doontaa inuu la socdo maraakiibta ku gooshaysa calanka dalka dalka Ingiriiska ee mara marinka Hormuz,” sidaasi waxa yidhi Afhayeen u hadlay dawlada dalka Ingiriiska.

Waxaanu intaasi ku daray “Waxa muhiim ah in la helo meel ay si xor ah ugu safraan maraakiibta ganacsiga aduunku, waxaananu samayn doonaa wax kasta oo aanu ku difaacayno.” Ayuu yidhi.

Xiisada u dhaxaysa dalalka Iran iyo Britain ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii tan iyo Jimcihii u dambeeyey markii ciidamada Ilaalalada Kacaanka Iran ay qabsadeen markab ku gooshayey calanka dalka Britain oo la yidhaa Stena Impero iyo dhamaan shaqaalihii saarnaa oo tiradooda lagu sheegay 23 shaqaale ah.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.