Maraykanka Oo Markii Ugu Horaysay 16 Sano Kadib Fulinaya Xukunka Dilka

Washington, (HCTV) – Xeer-ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka William Barr ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray oo uu ku socodsiiyey Maamulka Maxaabiista u mudeeyey in la fulinayo shan xukun oo dil ah.

Mr Barr ayaa sheegay in shantan qof lagu fulin doono xukunka dilka ah lagu helay dambi ay ka mid yihiin Dil, Kufsi Caruur iyo Dadwaaweynba.

Waxaana fulinta dilkaasi loo mudeeyey in la fuliyo bisha December ee sanadkan 2019-ka iyo bisha January ee 2020-ka.

“Maamulka labada xisbi, Waaxda Cadaaladu waxa ay doonaysaa inay xukuno dil ah ku fuliso kuwa gaystay dambiyada aadka u daran,” sidaasi waxa uu ku yidhi Xeer-ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanku Mr Barr war-saxaafadeedka uu soo saaray.

Dhawaaqan ka soo yeedhay Xeer-ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka ayaa meesha ka saaraya joojintii xukunada dilka ah tan iyo 2003-dii.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.