Walaalo Kenyaan Ah Oo Loo Haysto Inay Xidhiidh Ganacsiga Hubka Ah La Leeyihiin Al-shabaab

USA (HCTV) –  Maxkamad ku taalla Dalka Maraykanka ayaa sheegtay Qoyska Akasha oo ah Qoys reer Kenya ahi ay xidhiidh Ganacsiga Hubka ah la leeyihiin kooxda Al-shabaab.

Gar-yaqaan Maraykan ah oo Magaciisu yahay Geoffrey Berman ayaa Maxkamadda u gudbiyey faahfaahin ku saabsan sida Qoyska Akashas ay hubka ugu kootarabaaniyaan xubno ka mid ah urur Argagixiso.

Eeddaasi waxay ahayd mid aanay diidi karayn Boqortooyada Daroogadu, Waayo? Vijay Goswami ayaa hore u sheegay wuxuu ku soo arkay Baktash iyo Ibrahim Akasha gurigooda Magaalada Mombasa.

Sidaasi darteed, ayaa Baktash wuxuu isaguna sheegay in Goswami uu Nin Talyaani ah oo aan Magaciisa Maxkamadda laga xusin uu kala shaqeeyo Wada xaajoodyada Al-shabaab, intaasi ka dibna wuxuu si wanaagsan uga warramay nidaam u dhexeeya Wada-xaajoodayaasha, Shaqaalaha Maraakiibta iyo Akasha Walaaladii oo ka shaqeeya luminta dareenka Hay’adaha amniga.

Laakiin, dhaafinta (Hubka) ee Wakaaladda amniga Qaranka iyo la heshiinta Masuuliyiinta Dekedaha ee Shay kasta Mishiinka hubinta  mariya ayaa ahayd Mowduuc kale.

Ka dib, marka heshiiska la gaadho ayuu sheegay in Hubka la keeno Markab ku xidhan Dekedda Mombasa, iyagoo ay arrintaana ka shaqaynayaan Shaqaalaha Markabku.

Akasha wuxuu u sheegay Maxkamadda sida Walaalkii uu ugu kala safro xuduudka Kenya iyo Soomaaliya si uu hub uga soo iibsado Al-shabaab.

Labadan Nin ee Walaalaha ah oo Maxkamad ku taalla Magaalada New York muddaysay xukunkooda, waxaana Warbaahinta Kenya oo si weyn wax uga qortay sheegayaan inay suurto-gal in lagu xukumo Xukun u dhexeeya 10 sano illaa Madaxaa ha ku furto.

Eedaha loo haysto waxa ka mid ah ka ganacsiga hubka Sharci-darrada ah iyo noocyada daroogada.

Maraykanka ayay si qarsoodi ah ku geliyeen daroogada loo yaqaan heroin, taasi oo dhan 99KG iyo 2KG oo nooc kale oo daroogada ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka