IRAN Oo Siidaysay Shaqaale La Socday Markab Ay Qabsatay

Iran (HCTV) – Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ayaa siidaysay 9 Shaqaale u dhashay Hindiya oo la socday Markabka MT Riah oo ay marin-biyoodka Hormuz ka qabsatay.

Sidaa waxa sheegay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Dalka Hindiya, laakiin waxaan illaa hadda la garanayn sababta ay IRAN ula hadhay 3 Shaqaale Hindiyaan ah, maaddaama oo ay Markabka la socdeen 12 Shaqaale ah, oo ay u siidaysay 9 Xubnood.

Dawladda Hindiya ayaa ugu baaqday Xukuumadda Tehraan inay soo dayso Saddexda Shaqaale ah ee aanay weli siidaynin “9 Shaqaalihii Markabka ah ayaa la sii daayey, jidka ay ku soo jiraan oo halkan ayay iman doonaan dhawaan..”ayuu yidhi, Afhayeen u hadlay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Hindiya, Raveesh Kumar

Hindiya ayaa toddobaadkii hore sheegtay inay IRAN dammaanad-qaadday in Qunsulkeedu uu arko 18 Shaqaale Hindiyaan ah oo la socday Markab kale oo IRAN ka qabsatay UK, kaasi oo magaciisu yahay Stena Impero.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka