Boqolaal Qof Oo Dibadbaxyo Ka Dhigay Moscow Oo La Xidhay

Moscow, (HCTV) – Tiro ka badan 500 qof, oo ay ku jiraan hogaamiyeyaal mucaarid iyo musharixiinta doorashada golayaasha degmooyinka ayaa xabsiyada loo taxaabay kadib markii ay ciidamada bileysku ay xoog u adeegsadeen dibadbax ay ku doonayeen inay ku muujiyaan siday u doonayaan doorasho xor ah in la qabto.

Boqolaal ciidamada rabshadaha ka hortaga iyo ciidamada ilaalada qaranka ayaa la soo dhoobay badhtamaha caasimada Moscow, kuwaas oo xidhay wadooyinkii loo qorsheeyey in dibadbuxu ka dhaco.

Tirada dadka ilaa iyo hadda la xidhay oo ay si dhaw ula socotay koox madaxbanaan oo la yidhaa OVD-Info group, ayaa sheegay in ay isa-soo tarayso dadka la qabqabtay kadib markii ay meelaha qaar iskugu soo urureen dad tiradoodu gaadhayso 3,500 qof. Waxaana dadka la qaqabtay ee sida khasabka ah loogu guray gaadiidka qufulan ee ciidamada ku jira siyaasiyiin caan ah.

Halka dhalinyaro u ololaysa siyaasadd furfuran oo dalka Ruushka ka hanaqaada, Musharixiinta Magaalooyinka Duma, Moscow iyo Golayaasha degaanada kale oo ay musharixiin ka yihiin Dmitry Gudkov iyo Lyubov Sobol iyagana xabsiga la dhigay kadib markii ay soo gaadheen goobtii ay dibadbaxa ku dhigi lahaayeen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.