Ujeedada Hawlgalka Ciidamo Ka Socda Uganda Oo Soo Gaadhay Somalia

Muqdisho, (HCTV) – Ciidamo Nabad-ilaalineed oo tiradoodu dhan tahay 625 Askari oo ka socda dalka Ugandan ayaa soo gaadhay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia si ay halkaasi uga bilaabaan hawlgalo ku saabsan dedaalada Qaramada Midoobay ay ku doonayso inay nabad iyo xasilooni kaga abuurto dalkan ku yaala Geeska Afrika, sida ay sheegtay maalintii shalay Qaramada Midoobay.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia (UNSOS) ayaa sheegay in saraakiishan iyo ciidamadan gaarka ahi ay qayb ka noqon doonaan cutubyada ilaaliya xafiisyada iyo shaqaalaha Qaramada Midoobay, isla markaana ay shaqadoodu noqon doonto hubinta bad-baadada xubnaha shaqaalaha ka ah Xarunta Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin caasimada Somalia ee Mogadisho.

“Shaqadaada Qabso. Waxay ku saabsan tahay hawlgal wakhti kasta taagan. Halka sano ee soo socda waxaad joogi doontaan halkan, fadlan isha ku haya hawlgalka aad halkan kaga jirtaan,” sidaasi waxa yidhi Peter Elwelu, oo ah Taliyaha ciidamada dhulka ee dalka Uganda oo sidaasi ku yidhi war-saxaafadeed ay soo saartay UNSOS.

“Waxa aanu doonaynaa waxa weeyi in aad kor u qaadaan saaxiibtinimada. Marka aad si wadar ah u shaqaysaan, waxaan hubaa in aad hawlgalka u qaban doontaan si fudud,” ayuu intaasi raaciyey Elwelu.

Ciidamadan Nabad-ilaalinta ee ka socota dalka Uganda ayaa ku soo beegmaya maalmo ka dib markii Al-shabaab ay sheegteen weerar ay Arbacadii ku qaadeen Xafiiska Maayarka Muqdisho oo ay ku sugnaayeen Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia.

Imaanshaha cutubkan gaarka ah ee ilaalinta xarumaha iyo shaqaalaha Qaramada Midoobay u xilsaaraan ayaa ka yimid Ciidamada Difaacada dadka Uganda waxaanay tiradoodu tahay 625 Askari oo ay ku jiraan ciidamo si gaar ah u tababar oo 86 ka mid ahi ay Haween yihiin.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.