Imaaraadka Carabta Oo Wajahaya Korodhka Qiimaha Xoolaha Nool

Dubai, (HCTV) – Dadka degan dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay lacago farabadan ay ku kharashgareeyaan Ciida Odxada ee fooda inagu soo haysa, iyadoo kharashka gaadiidka soo qaadayaa ay ka dhigeen mid qaali ah in ganacsatadu ay xoolaha nool ka keenaan dalka Hindiya.

Suuqyada Imaaraadka Carabta ayaa xiligan Ciida neefka Riyaha ahi uu gaadhaa qiimo gaadhaya Dh2,000, oo u dhiganta $544 dollar, taas oo ay ugu wacan tahay korodhkaasi gaadiidka lagu soo qaadayo xoolaha nool.

Ganacsatada Suuqa Lo’da ee Dubai ayaa sheegay in xiligan lagu gudo jiro bilaha xaqaaqa, xoolaha nool laga soo dhoofiyo dalka Hindiya ay soo maraan dhinaca hawada, taas oo ka dhigtay qiimahoodu inay laba jibaarmaan marka loo eego xoolaha dhinaca badda soo mara.

Horaantii sanadkan, marka xoolaha nooli ay soo marayaan dhinaca badda qiimahoodu waxa uu ahaa ku dhawaad Dh1,500 oo u dhiganta $408 dollar neefkiiba.

Mustafa Abbas, oo ka mid ah ganacsatada suuqa xoolaha ayaa yidhi “Dawlada Hindiya badanaa waxay joojisaa xoolaha dibada loo dhoofiyo inta lagu gudo jiro xiliga cimiladu kulushahay. Wakhti xaadirkana waxa xoolaha naloogu soo waaridaa dhinaca hawada ama duulimaadyada, waxaana la filayaa inay la mid noqoto ama ay dhacdo arintaasi xiligan Ciida Odxiyada.” Ayuu yidhi Ganacsade Mustafa Abbas.

Ganacsade kale oo la yidhaa, Muhammad Zafar, ayaa sheegay in shixnadaha uu ka dalbado dalka Hindiya uu neefka Idaha ah iyo ka Riyaha ahiba ay ku kacaan xiligan Ciida Odxaha qiimo gaadhaya, Dh1,200 una dhiganta $326 dollar marka la gaadho August shanteeda.

“Marka dhinaca badda uu soo maro Neefkiiba waxa nagaga baxa kharash gaadhaya Dh60 una dhiganta $16 dollar, halka kharashka Diyaarada ay nagaga baxdo qiimo gaadhaya Dh300 neefkiiba oo u dhiganta $81 dollar, taasina waa sababta kordhisa qiimaha nalaga soo siiyey iyo ka aanu ku iibinaynaba,”.

Dhamnaan Ganacsatadan oo u warantay Warbaahinta Khaleej Times oo Telefishanka HCTV ka soo xigtay ayaa sheegay in xoolaha ay ka dalbadaan dalalka Hindiya iyo Pakistan, hase yeeshee dalka, Tusaale ahaan dalka Pakistan xoolaha ka yimaadaa ay ka dalab yar yihiin kana qaalisan yihiin kuwa kale ee ka yimaada dalka Hindiya.

“Wakhti xaadirkan dadka waxa ay ku iibsan karaan Rida ka timid Pakistan qiimo gaadhaya Dh3,500 oo u dhiganta $954 dollar, halka Neefka Riyaha ah ee ka yimaada Hindiya uu qiimihiisu yahay Dh2,000, una dhiganta $544 dollar” sida uu yidhi Mr Zafar oo ka mid ah ganacsatada xoolaha ee dalka Imaaraadka Carabta.

https://www.khaleejtimes.com/news/general/eid-al-adha-2019-livestock-prices-surge-in-uae-as-air-freight-cost-rises–

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.