Ururka Boko Haram Oo 23 Qof Oo Aas Ka Qaybgalay Ku Dilay Nigeria

Nganzai, (HCTV) – Dablay hubaysan oo ka tirsan kooxda Boko Haram ayaa 23 oo aas kaga qaybgalay gobolka Borno ee dalka Nigeria ku dilay, sida ay ku waramayaan maleeshiyo deegaankaasi ka soo jeeda iyo dadka degan deegaankaasi.

Weerarkan ayaa dhacay abaaro 10:30, waxaanay soo weerareen koox rag ah oo ka soo laabtay Aas ay kaga qaybgaleen degmada Nganzai oo u dhaw magaalo madaxda gobolka Maiduguri.

“Waxa la iiga soo diray Telefoon Nganzai, kaas oo la iigu soo sheegay in kooxda Boko Haram ay 23 qof ku deleen meel u dhaw Badu Kuluwu subaxnimadii,” sidaasi waxa yidhi sarkaal, isagu ka gaabsaday in magaciisa la sheego xaaladiisa amaan awgeed.

Kuwii weerarkaasi ka badbaaaday ayaa maleeshiyo deegaanka ahi waxa ay u qaadeen tuulada, waxaana mudooyinkii u dambeeyey degmada Nganzia ku soo badanayey weerarada ay ku soo qaado kooxda Boko Haram.

Bishii September ee sanadkii u dambeeyey, waxa kooxdu ku dishay deegaankaasi sideed qof, iyagoo tuuladaasina ka kaxaystay xoolihii ay haysteen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.