Xujay Ka Badan 900,000 Xaaji Oo Gaadhay Dhulka Barakaysan Ee Saudi Arabia

Makka, (HCTV) – Xujay tiradooda lagu sheegay 926,726 Haaji ayaa u socdaalay dhulka Barakaysan ee dalka Sucuudi Carabiya, kuwaas oo iskaga kala yimid dalalka dibadaha.

Xujaydan tiradoodu ka badan tahay sagaalka boqol ee Kun ee xaaji ayaa si ay usoo gaadhaan dhulka barakaysan una soo gutaan waajibaadka Xajka waxa ay soo mareen safaro kala duwan, halka Xujayda Qaar ay dhinaca hawada safar ku soo galeen, ayaa qaar kale ay dhinaca dhulka soo mareen, halka kuwo kalena ay dhinaca badda soo mareen, sida ay ku warantay Wakaalada Wararka ee dalka Sucuudi Carabiya ee Saudi Press Agency, SPA.

Waxaana warbixinta ay baahisay wakaaladu ay intaasi ku dartay in Xujay tiradoodu gaadhayso 881,229 ay Xajka ku soo gaadheen dhinaca Hawada, halka Xujay tiradooda lagu sheegay 35,148 Xaaji ay soo mareen dhinaca Dhulka, halka 10,349 Xaaji ay iyaguna dhulka Barakaysan ee Sucuudiga ay ka soo galeen dhinaca Badda, sida ay sheegtay waaxda Socdaalka dalka Sucuudiga oo si dhaw ula socotay xujaydan waajibaadka xajka ku soo gudanaya dhulka Barkaysan.

Waxaanay Intaasi raacisay in tirada korodhka sanadkan ay dhan tahay 91,44 Xaaji taas oo noqonaysa boqolkiiba 11%, marka la barbar dhigo tirada usoo socdaashay dalka Sucuudiga sanadkii hore.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.