Turki Lagu Afduubay Dalka Nigeria Oo La Sii Daayey

Kwara, (HCTV) – Afar nin oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Turkiga ayaa laga soo samatabixiyey kadib markii ay koox dablay ahi ay todobaad ka hor ku afduubeen gobolka Kwara, sida ay sheegayaan ciidamada bileyska ee dalka Nigeria.

Afartan nin ee u dhashay dalka Turkiga ayaa ahaa shaqaale dhismaha ka shaqeeya kuwaas oo todobaadkii la soo dhaafay xabsiga la dhigay.

Kuwa Afduubay ragan ayaa dalbaday $1m (£800,000) Madax-furasho ah, balse ciidamada bileysku waxa ay sheegeen in aan la bixin wax lacag ah oo lagu sii daayey ragaasi afduubka loo haystay.

Dalka Nigera ayaa waxa caadi ka ah in dadka loo afduubo si madax-furasho looga helo, waxaana inta badan la bartilmaameedsadaa dadka Ajnabiga ah iyo dadka Nigerian-ka ah ee magaca leh.

Laba todobaad ka hor koox budhcad baddeed ah ayaa xeebaha dalka Nigeria ka afduubay markab alaabta qaada oo ay saarnaayeen toban Turki bad-mareen ah.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.