Quwadaha Adduunka Oo IRAN La Leh Kulan Lagu Bedbaadiyo Heshiiskii Nuklearka

Veina (HCTV) – Dawladda IRAN ayaa Wada-hadallo Magaalada Viena kula yeelanaysa Diblumaasiyiin ka socda Dalalkii ay la gashay Heshiiskii Nuklear-ka, sannadkii 2015-kii.

Kulankan oo la doonayo in lagu bedbaadiyo heshiiskii IRAN iyo Quwadaha Adduunka oo uu waxyeeleeyay ka bixitaankii Madaxweyne Trump ayaa Axadda Maanta ka qabsoomaya Magaalada Viena ee Dalka Austria

Heshiiska uu Trump ka baxay ayaa dhigayey in IRAN joojiso Horumarinta Macdanta laga sameeyo Nuklearka, hadday taa fulisana waxa ballan-qaadka Quwadaha Adduunka, sida Germany, Britain, France, China, Maraykanka, Russia iyo Japan uu ahaa in laga qaado Cunaqabaynta dhaqaale ee saaran, laakiin Maraykanka oo ah Waddanka ugu Dhaqaalaha badan Dunida xilligan ayaa ka baxay heshiiskaasi, taasina waxay keentay xiisadda xilligan ka taagan khaliijka.

Diblumaaisyiin ka kala socda Dalalka Germany, Britain, France, China, Russia iyo IRAN oo wada jir ah ayaa Maanta ku kulmaya Magaalada Viena ee Caasimadda dalka Austria

Diblumaasiyiintan ayaa waxyaabaha ay isku dayayaan inay ka wada-hadlaan waxa ka mid ah in la dejiyo Xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo IRAN, ka dib Mushkiladaha xidhiidhka ah ee ka dhacay Gacanta khaliijka illaa xilligaa iyo weliba sii socoshada Cunaqabaynta uu Maraykanku ku hayo IRAN.

Warbaahinta Dunida qaarkood ayaa qoraya in kulankan ay dabada ka riixayso Dawladda Britain oo ay si gaar ah isugu dhaceen IRAN, ka dib markii Britain ay qabsatay Markab shidaal oo IRAN leedahay, taasi oo IRAN kaga jawaabtay qabsashada Markab Ingiriisku leeyahay.

IRAN ayaa intii Xiisadda khaliijku kacsanayd waxay dhulka soo dhigtay diyaarad nooca wax basaas ah oo Maraykanku leeyahay, waxayna qabsatay laba Markab oo mid Ingiriisku leeyahay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka