36 Qof Oo Ku Dhintay Dhul Go’ Ka Dhacay Shiinaha

Chine (HCTV) – 36 Qof ayaa ku Geeriyooday Dhul go’ ka dhacay Koonfurta-galbeed ee  Dalka Shiinaha, sida uu sheegay Telefiishanka Dawladda ee CCTV.

Telefiishanku wuxuu intaa ku daray in Dhulka go’ay uu daboolay ama Qariyey illaa 22 Guri oo ka mid ah Tuulada Shuicheng oo ka mid ah Gobolka Guizhou, isla-markaana illaa hadda jaan iyo Cidhib meel ay dhigeen la la’yahay illaa 15 Qof, ilaa markii masiibadani ku dhacday halkaasi.

Dhul go’an ayaa waxa sababay daadad, illaa haddana waxa gurmad iyo baadi doon ku jira Kooxaha gurmadka deg-degga ah.

Muuqaal uu baahiyey Telefiishanka CCTV ayaa muujinaya Kooxaha Gurmadka deg-degga ah oo baadi-doon ugu jira inay helaan Cid ka bedbaadday Masiibadan.

Dadka dhintay ayaa waxa ku jira laba Carruur ah iyo Hooyadood.

Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua ayaa sheegtay in halka masiibadu ka dhacday laga soo bedbaadiyey illaa 40 Qof.

Dawladda ayaa 30 Million oo Lacagta yuan ah ku bixinaysa Baadi-doonka Dadka la la’yahay iyo bedbaadinta kuwa khatarta ku jira, iyadoo la doonayo halkaa laga soo rarro oo meel kale loo wareejiyo, sida ay Xinhua soo werisay.

Dhul go’a ayaa oo khatar ah ayaa joogto ka ah Dhulka baadiyaha iyo Buuralayda Shiinaha, khaas ahaan marmarka roobabka waaweyni da’aan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka