Masuul Ka Mid Ah WADDANI Oo Aaminsan Inaanu Suurto-gal Ahayn Heshiis Guddoomiyahoodu Galay

Hargeysa (HCTV) – Siyaasiga Cali Cantar oo ah Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa dhaliilay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada WADDANI iyo UCID oo Toddobaadkan gudihiisa uu laba Gaadhi u iibiyey Madaxweyne Biixi.

Guddoomiyeyaasha Xisbiyada WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro iyo UCID Faysal Cali Waraabe ayaa Madal Shirkadda Dahabshiil ku soo bandhigtay gaadiid waxay ka muujiyeen inay u baahan yihiin gaadiid, waxaana markaa ka dib laba gaadhi u ballan-qaaday Madaxweyne Biixi.

Laakiin, Cali Cantar oo Maanta la hadlayey Warbaahinta ayaa arrintaa ku macneeyay khalad  “Labadaa Gaadhi ceeb bay noo horseedeen, ma fiicnayn inay labadaa Gaadhi qaataan, Aniguna khalad baan u arkaa, Waayo? Dadka qaarna waxay odhanayaanba maxaa waalay odayaasha, ma iyagii baa dhaameel noqday (qaatay)..” ayuu yidhi.

Mr. Cantar wuxuu sheegay oo kale in aanay suurto-gal ahayn in doorashada Goleyaasha deegaanka iyo Wakiilladu ay qabsoomaan sannadkan Gudihiisa “Aniga Shaqsiyan waxay iila muuqataa in wax ka suurto-galayaa in aanay jirin, ma maqasheen Carabi way heshiisay oo maxay ku heshiisay, waxay ku heshiisay in aanay weligeed heshiinin, waa sidaasi oo kale arrinta Somaliland (Heshiiska Xisbiyada iyo Xukuumaddu ka gaadheen Doorashada).

Waxyaabaha ku xeeran ayaan ogolaanayn doorashada, waxyaabahaa waxa ka mid ah xeerkii doorashada lama samaynin, Saami-qaybsigii lama samaynin, diwaangelin lama samaynin, Dadkii kaadhadhkooda la hayey looma qaybin, waxaas oo dhami wakhti ayay doonayaan, Qofka Musharraxa ahina waa inuu isaguna helaa fursad uu Dadkiisa ugu sheego inuu Musharrax yahay, lama samayn Calaamadahoodii, markaa marka la leeyahay 12-ka December, 2019 ayay doorashadu dhacaysaa, waa arrin wax alaale iyo wax ka jiraa aanu jirin..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Xubnaha Komiishanka oo Xisbiyada iyo Madaxweynuhu ku heshiiyeen in laga dhigo 9 aanay suurto-gal ahayn oo ay 7 ahaanayaan “Ma jirayaan laba xubnood oo Komiishanka lagu darayaa inta Madaxweyne Muuse joogo, waayo? Xildhibaannada wuxuu leeyahay 60, markaa markay Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu lixdan Xildhibaan leeyihiin way laalayaan labada xubnood, dabadeedna 7 baa xubnood ayuun buu Komiishanku ahaanayaa, wax aanu faa’idnayna ma jiraan..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka