Soomaali Loo Xukumay Inuu Daba-galay Haweenay ka Mid Ah Congress-ka Maraykanka

USA (HCTV) – Maxkamad ku taalla Dalka Maraykanka ayaa laba bilood oo Xadhig ah ku xukuntay Nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu ku ag-war-wareegay Haweenay ka mid ah Xisbiga Jamhuuriga ee Dalka Maraykanka, taasi oo lagu Magacaabo,   Alexandria Ocasio-Cortez.

Douala Hashi, 31 ayaa qirtay inuu dambi ku dhacay, ka dibna Jimcihii ayaa Xaakim lagu Magacaabo Scott Dunn wuxuu ku xukumay 60 Maalmood oo Xabsi ah, waxaanu weliba amray in aad loo ilaaliyo Ninka la xukumay, sida ay sheegtay Haweenay Afhayeen u ah Xafiiska Gar-yaqaanka degmada Queens.

Ninkan la xukumay Jimcihii, waxa Ciidammada amnigu xidheen bishii la soo dhaafay ee June, ka dib markii Xafiiska degmada uu isku tusay haweenaydan ka midka ah Congress-ka Maraykanka, is tusiddaa uu Xildhibaannada is-tusay ama isku muujiyey ayaa ka dambaysay amar amar uu hore u siiyey Xaakimka xukumay, amarkaasi oo ahaa inaanu ka ag-dhawaanin Xildhibaannadda oo uu ka fogaado.

Xaashi oo  u dhashay Dalka Soomaaliya ayaa markii koowaad ee dambi lagu eedeeyo waxay ahayd 15-kii June oo lagu eedeeya inuu Dabaqa uu ku yaallo Xafiiska Xildhibaanad AOC uu ku buufiyey dab bakhtiiye, laakiin weligii Xafiiskeeda ma gelin, sida boolisku sheegay. Xilligaa wuxuu xaakimku amray inaanu Xildhibaannada u dhawaanin, laakiin 26-kii June ayaa la xidhay, waxaana lagu eedeeyay inuu in ka badan 3 jeer Xafiiska Xildhibaannada isku dayey inuu galo, laakiin mar kasta oo loo diido uu Xaalad abuurayey, neerfisna noqonayey, sida Boolisku sheegay

llaa hadda lama garanayo waxa Wiilkan Soomaaliga ahi ka doonayo haweenaydan Xildhibaanka ka ah Dalka Maraykanka, mar isaga uu Wargeyska Daily Mail waydiiyey inuu qisadiisa uga warramana wuxuu ku gaabsaday inaanu doonayn inuu sheekadiisa ka warramo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka