Maraykanka Oo Sheegay Inay Sarkaal Ka Dileen Daacish-ta Soomaaliya

Nairobi (HCTV) – Maraykanka ayaa duqayn ku dilay Sarkaal ka mid ah kooxda Dawladda Islaamiga ah ee Fadhiisimada ku leh Waqooyiga Soomaaliya (Buuralayda Galgala), sida uu qoraal ku sheegay Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika, Axaddii.

Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika ma sheegin War faahfaahsan oo ku saabsan Duqaymaha ay Sabtidii toddobaadkan Diyaaradahoodu ka geysteen Buuralayda Golis.

Al-shabaab oo ah Urur ugu weyn ee kooxaha Xagjirka ah ee ka jira Soomaaliya ayaa la bah ah Al-qaacid, laakiin waxay si joogto ah ula dagaalamaan Daacishka Soomaaliya.

Weerarrada dhanka Cirka ah ee Dawladda Maraykanku ka fuliso Soomaaliya ayaa ah kuwa joogto ah oo lagu taageerayo Dawladda Daciifka ah ee Qaramada Midoobay taageerto ee Soomaaliya, taasi oo Al-shabaab la dagaalamaysey sanado.

Africom ma sheegin Magaca sarkaalka ay dileen iyo Jinsiyaddiisa midna.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka