Puntland Oo Xukuntay Askari Lagu Eedeeyay Inuu Fududeeyay Dilka Madaxii DP World Ee Dekedda Boosaaso

Boosaaso (HCTV)  – Maxkamadda Ciidammada Puntland ayaa xukuntay Askari lagu eedeeyay inuu fududeeyay Dil Magaalada Boosaaso bishii February ee sanadkan loogu geystay Madaxii Shirkadda P&0 oo qayb ka ah Shirkadda DP World oo maamusha Dekedda Boosaaso.

Askarigan oo Magaciisa lagu sheegay Cabdi Cali Xirsi ayaa markii la dhegaystay Dacwaddiisa waxa Maxkamaddu ku xukuntayt Dil toogasho ah, iyadoo lagu eedeeyay inuu fududeeyay in nin ka mid ah Al-shabaab oo Dekedda Boosaaso ku dilo dilay Paul Anthony Farmosa oo ahaa Madaxii Shirkadda P&0 ee hoos tagta DP World u qaabilsanaa Maamulka Dekedda Boosaaso.

Paul Anthony oo u dhashay Dalka Talyaaniga ayaa waxa masuuliyadda Dilkiisa sheegatay Al-shabaab xilligaa.

Askariga Dilka lagu xukumay ayaa rafcaan ka qaadan kara xukunka ku dhacay, sida Maxkamaddu sheegtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka