Ethiopia Oo Maalin Kaliya Beertay In Ka Badan 350 million Oo Geed

Addis Ababa, (HCTV) – Dal weynaha Ethiopia ayaa maalin kaliya ku beeray in ka badan 350 million oo geed, taas oo qayb ka ahayd olole lagula dagaalamayo dabar-go’a kaymaha iyo isbadalka cimilada aduunka.

Wasiirka technologyada iyo horumarka ee dalka Ethiopia, Getahun Mekuria, ayaa sheegay in 353,633,660 geed la beeray 12-kii saacadood ee u horeeyey ee maalintii Isniintii.

Waxaanay talaabadan dhir-beerisku ay qayb ka tahay dedaalo lagu doonayo in dalka Ethiopia lagaga beero dhir gaadhaysa 4 billion oo geed, halka qorshuhuna uu yahay in maalinta u horaysa la taago 200 million oo geed.

Dedaalkan dhiraynta iyo akhtaraynta dalka Ethiopia oo uu qorshahaasi gadhwadeen ka yahay Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa bilaabay bishii May ee sanadkan, waxaana la doonayaa 4 billion oo geed dalka Ethiopia oo dhan laga beero ilaa bisha October ee fooda inagu soo haysa.

“Ethiopia waxay bilawday qorshe ay ku doonayso inay ku jabiso recordka taariikhda ee dhir beerista ama akhtaraynta dhulka,” ayuu yidhi Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia oo qoraal soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

Waxaana maalintii shalay la xidhay xafiisyada dawlada iyo dugsiyada dalkaasi si dhamaan dadku ay uga qayb qaataan dhir beeristaasi, waxaanu Raysal Wasaare Axmed uu u sheegay Ethiopian-ka “banaanka u bax oo samee astaantaada,” isagoo geedkiisii ugu horeeyeyna ku beeray Raysal wasaaruhu magaalada ku taala koonfurta ee Arba Minch.

Hase yeeshee ilaa iyo hadda waxa dadka dalka Ethiopia ay ku guulaysteen inay beeraan dhir tiradooda lagu sheegay 3.6 million dhamaan gobolada iyo degmooyinka kala duwan ee dalkan ku yaala bariga Afrika uu ka kooban yahay, sida ay sheegtay wasaarada Beeraha ee dalka Ethiopia.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.