HCTV Oo U Kuurgalay Dhaqdhaqaaqa Saylada Xoolaha Hargeysa Oo Xiligan Xaami Ah

Hargeysa, (HCTV) – Caadiyan xiliyad oo kale waxa kor u kaca dhaqdhaqaaqa iibka xoolaha nool ee lagu kala iibsado sayladaha Somaliland, gaar ahaan saylada magaalada Hargeysa oo wakhtigan uu sare  u kacay iibka noocyada kala duwan ee xoolaha nool.

Xoolahan lagu kala iibsanayo Saylada magaalada Hargeysa ee loo rarayo moosimka Xajka, xilga carafada  ayaa qiimaha ay shirkadaha ka ganacsada xooluhu ay kaga iibsanayaan xoola dhaqatada qiimo u dhexeeya $60 dolar ilaa $65, halkaasi oo shirkado kala duwan ay xoolaha ka iibsanayeen.

Sidoo kale korodhka iibka Xoolaha nool ayaa fursado haqo u abuurtay dadka xoogsadada ah ee  usoo shaqo taga goobaha lagu iibiyo xoolaha.

Booqashadan aanu ku tagnay saylada xoolaha Hargeysa ayaa indhahaagu waxay qabanayaan xoolo aad u tiro badan iyo dad isugu jira ganacsato iyo xoolallay ku mashquulsan iibka iyo raristaa xoolaha.

Waxaanu Wariye Siciid Aadan Jaamac oo ka tirsan Wariyeyaasha HCTV waxa uu halkaasi kula kulanay dadka xoolaha ka ganacsada, dilaaliin iyo kuwo xoolohooda u iibkeenay saylada Hargeysa oo uu ka waraystay dhaqdhaqaaqa iibka xoolaha ee xiligan.

Waxa jira dhalinyaro farabadan oo xilgan fursad shaqo ka heya marka iibka xoolahu kor u kaco kuwaasi oo gawaadhida ku rarara xoolaha waxaana ay noosheegeen inay xiligan ka faa’iidaystaan.

Dhinaca kale dad farabadan ayaa Saylada gudaheeda ku iibiya calafka xoolaha ee Cawsku ka midka yahay, waxaanay iyaga laftoodu ay nooga warameen sida wax looga iibsado.

Ugu dambayn waxa dadka ku ganacsada Saylada xoolaha Hargeysa ay noosheen inay dhibaato wayni ka haysato dhina wadooyinka iyo baahiyaha adeegyo kala oo lagama maarmaan u ah, iyagoo ku baaqay in wax laga qabto wado la’aanta Saylada ka jirta madaama dhaqaale xoogan dalka kasoo galo goobaha xoolaha lagu iibiyo.

Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweynaha Somaliland uu booqday Saylada Xoolaha ee Hargeysa, halkaas oo dadka ku ganacsada sayladaasi ay usoo bandhigeen baahiyo kala duwan kuwaas oo ilaa iyo hadda wax laga qabtay baahiyahaasi aanay jirin.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.