Xilka Duqa Muqdisho Oo La Isku Haysto, Maalmo Ka Dib Dhaawaciisa

Muqdisho (HCTV) – Qaar ka mid ah Odayaasha reer Muqdisho ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay in Rag Xil raadis ahi ay Dawladda Soomaaliya u gudbistaan Waraaqo ay ku codsanayaan in loo Magacaabo Xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, xilli Guddoomiyihii xilkaa hayey lagu daweynayo Dalka Qadar, ka dib markii dhaawac ka soo gaadhay Qarax lala beegsaday Xafiiskiisa Muqdisho.

Odayaasha oo ka hadlayey kulan lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa iyagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi “Ninkii oo nool Dadka Waraaqaha la rooraya ee Xilkiisii ka doonanaya Dawladdu nama matalaan, Madaxweynoow haku ajarmin, Raysal-wasaaroow haklu ajarmin, damiirba malaha Nimankaasi, Ninkii oo nool weli oo aan weli Cisbitaalkii la geynin Nimanka Waraaqaha la rooraya ee Dawladda Xilka ka doonaya miyuu jidhkoodu naxayaa.”

Mid ka mid ah Odayaasha halkaa ka hadlay ayaa isaguna yidhi “Dadka Annaga naga mid ah nagama mid ahee ayaa Waraaqo la ordaya oo leh Annaga nagu beddel Guddoomiyaha gobolka Banaadir, waar Ninkii ma dhiban, Nina nool-na lama dhaxlo, Ninkii wuu nool yahay, waanu bogsanayaa iisha Allaahu..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka