Xisbiga UCID Oo Sheegay In Xildhibaanno Doorashada Diiddani Dadweynaha Kicinayaan

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa ka digay Xildhibaano ka mid ah Goleyaasha deegaannada iyo Wakiillada oo isku dayaya inay kiciyaan Dadweynaha, iyagoo raadsanaya Waddo dib loogu dhigi karo doorashada la doonayo inay Sannadkan gudihiisa ka dhacdo Somaliland.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID, Yuusuf Kayse Cabdillaahi oo Maanta Saxaafadda kula hadlayey Magaalada Hargeysa, ayaa isagoo arimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waxaanu u digaynaa Xildhibaannada Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee ku hawlan kicinta Dadweynahya, waxaanu leenahay waar joojiya oo ka daaya, kursigani waa kursigaad 15-ka sanadood fadhideen, baahi aad maanta u qabtaan inaad Bulshada u kicisaan ma jirto. Ninkii doonaya inuu dib u tartamo, bulshadaa dib loogu noqonayaa oo idin qiimaynaysa ee Bulshadaadii ku noqono.”

Xoghayaha Warfaafintu waxa kale oo uu sheegay “H.addaad doonayso inaad Kursigii ku soo noqoto, Bulshadaadii ku noqono oo soo waydiiso kursiga, laakiin ka daaya Bulshadan aad tollaayeeyda aad kula dhex jirtaan, waanu ognahay in Gobollada qaar u baxeen, waanu ognahay inaad ku mashquulsan tihiin inaad kicisaan Bulshada, Arrintaasina waxay u taallaa Madaxweynaha, hadday meel fog gaadhsiiyaan inuu go’aankii Daahir Rayaale oo kale qaato.”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka