Golaha Guurtida Oo Fasax Galay, Xilli Xaalado Amni-xumo Ka Jiraan Sanaag

Hargeysa (HCTV) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa Maanta galay Fasax dhan Bil iyo 15 Maalmood, Xilli shaqaaqooyin ka taagan yihiin Gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka hadlayey Xarunta Guurtida ayaa sheegay inay doonayeen in aanay fasax gelin inta Xaaladda Sanaag taagan tahay, balse wakhtiga xaaladdu taagan tahay ay daba dheeraatay, sidaasi darteedna wuxuu Xildhibaannada ku war-geliyey inay fasax galaan.

“Kal-fadhigii wuu inoo dhan yahay, guulo badan oo aynu sheeganaynaa ma jiraan, laakiin kolay dhibaatooyinka taagan Carrabka marinay taagan, sidiina way u taagan yihiin.”

Guddoomiyaha Guurtidu wuxuu sheegay inay doonayeen inay sii fadhiyaan inta Xaaladda Sanaag kacsan tahay, balse mar haddii ay daba dheeraatay ay Xukuumadda ku halaynayaan “Waxaanu is lahayn dhibaatada barigu intay taagan tahay goluhuna ha iska fadhiyo, laakiin way nagu dheeraatay, waxay ila tahay Xukuumaddu hala butuluqsato innaguna aynu fasaxeenii gallo.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaad qaadanaysaan Fasax Bil iyo 15 Cisho ah, bisha September 15-keeda ayaynu isku soo noqonaynaa.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka