Qaramada Midoobay Oo Ka Aamustay Gantaal Xuutiyiintu Ku Rideen Suuq Yemen Ku Yaalla Oo Dilay 11 Qof

Yemen (HCTV) – Dawladda la aqoonsan yahay ee Yemen ayaa sheegtay in Qaramada Midoobay ka aamustay Weerar loo gantaal oo Jabhadda Xuutiyiintu la beegsadeen suuq ku yaalla Waqooyiga Gobolka Saada.

Weerarka Xuutiyiinta lagu eedeeyay ayaa waxa ku dhintay gaadhaya 10 Qof, waxaana ku dhaawacmay deraasiin kale oo Shacab ah.

Dagaalka Afar jirsaday ee ay Yemen ka wadaan Jabhadda taageerada ka hesha IRAN ee Xuutiyiinta, ayaa lagu dilay Tobannaan kun oo Qof, Malaayiin kalena wuxuu u horseeday macaluul, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

“Qaramada Midoobay ama Ergayga Qaramada ee Yemen Martin Griffiths, nasiib-darro ma Cambaaraynin dambigan..” ayuu Wasiir ku-xigeenka dhallinyarada ee Yemen oo u warramay Wargeyska The National, waxaanu intaa ku daray “Waxay is-diidsiinayaan ficillada Argagixiso ee Xuutiyiinta..”

Illaa sannadkii 2014-kii oo dagaalka Yemen bilaabmay, Jabhadda Xuutiyiintu waxay dileen Tobannaan kun oo Shacab ah dambi lahayn ah, sida ay Madaxdu sheegayaan “Qaramada Midoobay waxay ogoshahay Dilka Xuutiyiinta ee Shacabka, waxba kama odhanayaan Ficilladooda bahalnimada ah..” ayuu hadalkiisa raaciyey, Mr Al Kamaly oo ah Wasiir ku-xigeenka Dhallinyarada ee dalka Yemen.

Maaha markii koowaad ee Qaramada Midoobay ka aamusto Ficillada bahalnimada ah ee Xuutiyiinta, sida uu sheegayo, ku-xigeenka Wasiirka xuquuqda Aadamaha ee Yemen, Majed Fadhil

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka