Aghanistan: Rubuc Ka Mid Ah Dadka Ku Dhinta Ama Ku Dhaawacma Dagaalladu Waa Carruur

Afghanistan (HCTV) – Dadka Dhimashada iyo dhaawacu ka soo gaadho Dagaallada iyo Weerarrada Argagixiso ee ka socda Dalka Afghanistan ayaa rubuc ka mid ahi yihiin Carruur.

War-bixin Qaramada Midoobay siidaysay Salaasadii Shalay ayaa Madaxda Afghanistan, Hay’adaha Gargaarka iyo dhinacyada ku dagaalamaya Dalkaasi ugu baaqday inay difaacaan Nolosha Carruurta.

War-bixinta Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 1,366 Qof oo Aghanistan ku Geeriyooday sannadkan ay 327 ka mid ahi yihiin Carruur, halka 2,446 dhaawacmayna ay 880 ka mid ahi ay Carruur yihiin.

War-bixintu waxay sheegtay in Tirada Dadka intaasi leeg ay lixdii bilood ee sannadkan 2019-ka ugu horreeyay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen Qulqulatooyinka ka socda Dalka Afghanistan.

Qaramada Midoobay waxa kale oo ay warkeeda ku sheegtay inay tahay waxaan la aqbali karin dhibaatada dhinacyada Afghanistan ku dagaalamayaa gaadhsiinayaan Dadka Shacabka ah, gaar ahaan Carruurta oo kuwa ugu badan ee dhibaatadu ka soo gaadho.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka