Sucuudiga Oo Baanka Suudaan Ku Shubay $ 250 Million

Sucuudiga (HCTV) – Dawladda Sucuudiga ayaa Baanka dhexe ee Dalka Suudaan ku shubtay Lacag dhan $250 million, si ay ugu buuxiso ama uga taageerto doorkii dhaqaale.

Lacagta Sucuudigu ku shubay Baanka Suudaan ayaa qayb ka ah $500 million dollar oo Sucuudiga iyo Imaaraadku ugu yabooheen Suudaan bishii April ee sannadkan, taasi oo la doonayo in mustaqbalka la gaadhsiiyo $3 billion oo loogu talo-galay Shidaal, Qamadin iyo Daawooyin.

Wasaaradda Maaliyadda Sucuudigu waxay sheegtay in ujeeddada ugu weyn ee hadda Baanka Suudaan loogu shubay Lacagta dhan $250 million ay tahay in la dejiyo Qiimaha Lacagta Suudaan oo sal-dhigi la’.

Bishii December ee sannadkii 2018-kii ayaa waxa Suudaan ka bilaabmay Dibed-baxyo waaweyn oo lagaga soo horjeeday Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir, sababtuna waxay ahayd hoos u dhac ku yimid qiimaha lacagta Dalkaasi iyo alaabooyinkii aasaasiga ahaa oo yaraaday, dhowr bilood ka dib Mudaharaaddadaasi Ciidammadu waxay xukunka ka tuureen Cumar Xasan Al-bashiir, ka ka dibna way xidheen.

Laakiin, illaa hadda Dhaqaalihii Suudaan Wer-werkiisa ayuu leeyahay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka