Ethiopia Oo Sii Daysay Ganacsade Israeli Ah Oo Xidhnaa Ilaa 2015

Addis Ababa, (HCTV) – Dawlada Ethiopia ayaa xabsiga ka sii daysay ganacsade Israeli oo magaciisa la yidhaa Menashe, sida uu ku waramayo Chris Smith ooh ore danjire ugu ahaa dalka Maraykanka, kaas oo hogaaminayey wefti bishii August dawlada Ethiopia ku riixay inay meesha ka saarto dhamaan eedaha loo haysto Levy.

Warkan ayaa waxa markii ugu horaysay baahisay Wargeyska Afka Ingiriisiga kaga soo baxa Israel ee la yidhaahdo The Jerusalem Post.

Levy ayaa la xidhay sanadkii 2015 kaas oo loo haystay dambiyo dhinaca maaliyada ah. Waxaanu dalka Ethiopia uu ka shaqaynayey mudo ku dhow todoba sanadood xadhigiisa ka hor, isagoo maamule ka ahaa qayb ka tirsan shirkada ugu weyn Israel ee ka shaqaysa Macdanta.

Dawlada Ethiopia waxa ay ku eedaysay Levy Musuqmaasuq, Cashuur Lunsi, iyo lacago uu si sharci daro ah uu uga sameeyey intii u dhaxaysay sanadadii 2010-kii iyo 2012-kii inuu ku lug lahaa malaayiin dollar.

Hase yeeshee Levy ayaa dafiray dhamaan eedihii isaga ka dhanka ahaa, balse waxa la xukumay isagoo wax maxkamad ah aan la soo taagin. Mudadadii afarta sano ahayd ee uu ku jiray xabsiga, waxa la sheegay in ay garaacis ay u geysteen kuwo la xidhnaa, oo ay la soo daristay wadna xanuun.

Waxaana la sheegay in aanu helin dawayn caadi ah.

Siidaynta Levy ayaa timid sanad ka dib markii wefti uu horkacayo Smith ay socdaal ku tageen caasimada dalka Ethiopia si ay ula kulmaan Raysal Wasaaraha Abiy Axmed iyo saraakiil sarsare oo dawlada ka tirsan.

Inkastoo booqashadii Smith aanay horseedin in ay meesha ka saarto kiiska loo haystay Levy’s hadana dedaaladiisu uu ku doonayey in la sii daayo way sii socdeen, sida uu ku waramay Wargeyska The Jerusalem.

Xeer-ilaaliye Maraykan ah oo la yidhaa Alan Dershowitz ayaa la kulmay Raysal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu horaantii sanadkan, sida uu sheegay Wargeysku. Waxaanay taasi ay keentay in wadahadal ay arintaasi ka yeeshaan Netanyahu iyo Raysal Wasaare Abiy bishii June.

Waxaanay dawlada dalka Ethiopia ay laashay dhamaan dambiyadii ka dhanka ahaa Levy si dhakhso ah, waxaana la sii daayey 22-kii bishii June.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.