Kandahaar: 34 Qof Oo Ku Dhintay Miino Ku Qaraxday Bas Siday Dad Rakaab Ah

Kandahar, (HCTV) – Dad shicib ah oo u badan haween iyo caruur ayaa ku dhintay galbeedka dalka Afghanistan maanta oo Arbaca ah, kadib markii Bas ay ku safrayeen uu ku qarxay bam wadada dhinaceeda yaalay.

Dadka rakaabka ah ee baska saarnaa ayaa ku safrayey wadada weyn ee daagiidka xamuulku maraan ee tagta Kandahar-Herat, waxaanay wararku sheegayaan in ay qaraxaasi ku dhinteen 34 qof halka ay ku dhaawacmeen 17 qof oo kale, sida uu sheegay masuul u hadlay gobolka Qaraxu ka dhacay.

“Bamkan waxa dhigay kooxda Daaliban oo la bartilmaameedsanayey Ciidamada Afghanistan iyo kuwa Ajnabiga ah,” ayuu yidhi Masuulkaasi u hadlay gobolka Kandahar, waxaanu intaasi ku daray in dhamaan dadka qaraxaasi wadada la hareer dhigay ku dhintay ay yihiin dad shacab ah oo u badan dumar iyo caruur.

Sediq Sediqqi, oo ah Afhayeenka Madaxtooyada dalka Afghanistan ayaa xaqiijiyey in dhimashada qaraxaasi ay kor u kacday, isla markaana waxa uu ku eedeeyey inay ka dambeeyeen kooxda Daaliban.

Hase yeeshee Saraakiil u hadlay ururka Daalibaan ayaa sheegay in dagaalyahanadoodu aanay masuul ka ahayn qaraxa miinadaasi Baska dadka rakaabka ahi ay saarnaayeen la kacday.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.